Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka Khudbad uu madaxweyne Deni ka jeediyay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay khudbad ka jeediyay  munaasabad Soo dhoweyn ah oo magaalada Nairobi loogu sameeyay isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo oo halkaasi ku sugan.

Madaxweyne Deni, ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahad-celin uu u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii soo agaasimay munaasabadda soo dhaweyntiisa. Sidoo kale wuxu amaan weyn u jeediyay dowladda kenya oo uu sheegay in ay mar walba garab-taagantahay Umadda Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyay abaalka ay u gashay shacabka Soomaaliyed tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in Bulshooyinka ku dhaqan Geeska Afrika ay dhammaan noloshoodu isku xirantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda, islamarkaana ay Soomaalidu udub-dhexaad u yihiin gobolka Geeska Afrika, maadaama ay deggan yihiin dalalka ugu muhiimsan gobolka.

Deni ayaa tilmaamay, in dadka Soomaaliyeed ay saarantahay mas’uuliyad aan saarnayn Qowmiyadaha kale ee ku dhaqan gobolka Geeska Afrika, maadaama Soomaalidu ay wada degto dalalka Geeska Afrika, sidaasi darteedna laga rabo in  ay hormuud u noqdaan Nabadda iyo Horumarka gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wakhtiyadii hore dadka Soomaaliyeed ee gobolka Geeska Afrika ku dhaqan, ay badbaado u ahayd dowladdii Soomaaliyeed, balse wixii burburkii ka dambeeyay, dowladda Kenya ay tahay meesha Keliya ee Soomaalida Geeska Afrika dib looga yagleeli karo.

Madaxweyne Deni, ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku soo qaaday la’dagaallanka Argagixisada, gaar ahaanna malayshiyaadka Al-shabaab, waxaana uu ku baaqay in Bulshada gobolka ay u midoobaan la’adagaallanka Argagixisada, isaga oo sheegay in siyaasaddaa murugsan ee Soomaaliya ay awood-siinayso kooxahaasi.

Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Nuxurka Khudbad uu madaxweyne Deni ka jeediyay Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this