Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo kamid noqon doona Rakaabka u horeeya ee Ethiopian Airline geyso Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniinta todobaadka soo socda magaaalada Boosaaso ka daah-furi doona duullimaadkii u horreeyay ee Shirkadda Ethiopian Airline ay ku tegi doonto Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan kamid noqon doona Rakaabka u horreeya ee Shirkadda Ethiopian Airline ay Isniinta todobaadka soo socda ka soo qaadi doonto magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 Duullimaadkaasi ayaa si toos ah uga degi doona  Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso halkaasi oo isla maalinta Isniinta ee ku beegan 3-da Fabraato laga daah-furi doono duullimaadyada Shirkadda.

Ethiopian Airline ayaa todobaadkiiba saddex jeer ka degi doonta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso sida ay horay u sheegtay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland.

15- July 2019 ayay ahayd markii u horraysay ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopia ay duullimaadyo toos ah ka bilowday gudaha Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Deni oo kamid noqon doona Rakaabka u horeeya ee Ethiopian Airline geyso Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this