Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo bandhigtay “shabakad Al-Shabaab ah”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay shabakad ay ku eedeysay Al-Shabaabnimo.

NISA ma aysan shaacin tiradda shaqsiyaadka soo galay gacanta laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa lagu qeexay in howlgalka lagu soo qabtay xubnahaan laga sameeyay Muqdisho 26 illaa iyo 28 Janaayo, 2020.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in eedeysaneyaasha ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka sameynta qaraxyadda.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaanan wali ka jawaabin hadalka NISA.

Ugu dambeyntii, NISA ayaa baahisay sawiradda iyo muuqaaladda agab ay sheegtay in laga sameeyo qaraxyadda iyo hub ay kamid yihiin Zaban.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this