Deeq A. Posted January 30, 2020 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo culus oo saaka ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxyadda oo laga maqlay qaybo kamid ah magaalada ayaa lagu beegsaday qaar kamid ah Kaamirooyinka lagu xiray jidadka. Fahfaahinadda ayaa muujinaya in qaraxyadda lagu bartilmaameedsaday kaamirooyinka lagu rakibay wadada Maka Al Mukarama. Tafaasiil madax banaan ayaa qeexeysa in kaamirooyinka la waxyeelaayey ay gaarayaan illaa iyo afar xabo oo muhiim ahaa. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, oo aysan wali ka warbixin hay’addaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Kaamirooyinkaan oo laga maamulo xarunta hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa loogu talagalay sugitaanka amniga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites