Deeq A. Posted January 30, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu wado dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan magaalada Dhuusamareeb. Xasarada ayaa ku saabsan tabashooyin ka dhashay doorashada madaxtinimada oo ay ku kala qeybsameen dowladda iyo Ahlu Sunna. Wararka ayaa sheegaya in guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas ku howlan yahay sidii xal waara loogu heli lahaa cabashadaas. Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in gudoonka uu dhinacyadda tabashadda qaba kala hadlayo qaabka ugu wanaagsan ee xal loo heli karo. Dedaaladan ayaa imaanaya iyaddoo muddo saddex cisho ah dib loo dhigay doorashadda hogaanka dowlad goboleedka Galmudug oo lagu wadday in ay dhacdo maanta. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Xal-raadin.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites