Sign in to follow this  
Deeq A.

Dedaalo xal-raadin ah oo ka socday Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in uu wado dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Xasarada ayaa ku saabsan tabashooyin ka dhashay doorashada madaxtinimada oo ay ku kala qeybsameen dowladda iyo Ahlu Sunna.

Wararka ayaa sheegaya in guddoonka Golaha Wakiilada maamulkaas ku howlan yahay sidii xal waara loogu heli lahaa cabashadaas.

Warbixinadda ayaa soo jeedinaya in gudoonka uu dhinacyadda tabashadda qaba kala hadlayo qaabka ugu wanaagsan ee xal loo heli karo.

Dedaaladan ayaa imaanaya iyaddoo muddo saddex cisho ah dib loo dhigay doorashadda hogaanka dowlad goboleedka Galmudug oo lagu wadday in ay dhacdo maanta.

Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Xal-raadin.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this