Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiin miisan culus leh oo ka qeyb galay xaflad ka dhacday Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1580330026019.jpg?w=1000&ssl=1

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa caawa ka dhacday xaflad lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii la socda.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa xafladda soo dhoweynta ah soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Siyaasiyiinta ka qeyb galay xafladan oo miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in kulamo ay maalmahan ku la haayeen Nairobi uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka oo kulamo gaar gaar ah maalmo ka hor ku yeeshay Nairobi ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya 2020/2021.

FB_IMG_1580331309365.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1580331316029.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1580329982570.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1580330015059.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1580330009758.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1580331304765.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Siyaasiyiin miisan culus leh oo ka qeyb galay xaflad ka dhacday Nairobi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this