Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad Al-shabaab ah

Recommended Posts

Deeq A.   
NUSA.jpg?w=1000&ssl=1

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan ururka Al-shabaab.

Bayaan kooban oo muuqaal iyo sawiro wadata oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in howlgalo qorsheysan oo ciidanka Amnigu ka fuliyeen Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ay ku soo qabteen shabakad Al-shabaab u qaabilsan qaraxyada iyo maadooyinka laga sameeyo.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in soo qabashada shabakadan ay sahashay wadashaqeynta shacabka iyo NISA.

“Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo. Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan” ayaa lagu yiri qoraal NISA.

Howlgalo qorsheysan oo uu ciidanka Amnigu ka fuliyey Muqdisho 26 ilaa 28 bishaan, ayaa lagu soo qabtey Shabakad qaraxyada u qaabilsan AS, iyo maadooyinka qaraxyada laga sameeyo.
Wada shaqaynta shacbka iyo laamaha Amniga waa sababta keentay guushaan…1 pic.twitter.com/u0tnORWWN6

— NISA (@HSNQ_NISA) January 29, 2020

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya ma soo bandhigin magacyada shabakada Shabaab ee ay sheegtay in ay qabatay.

PUNTLAND POST

The post NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad Al-shabaab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this