Deeq A. Posted January 29, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay muddo saddex cisho ah dib u dhigeen coddeynta madaxweynaha. War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey in hakinta ay timid kadib codsi kaga yimid murashaxiinta iyo guddoonka Golaha Wakiilada. Bayaanka ayaa intaas ku daray in doorashadda ay qabsoomi doonto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo aadan. Arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo khilaafka hareeyay doorashadda Galmudug uu gaarey meeshii ugu sareeyay walina aan xal waara loo helin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites