Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in ciidanka Itoobiya ay galeen Farlibaax?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan, Jamaac Cali Cismaan oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee deegaankaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa wareysigaan ku beeniyey in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ay gudaha u soo galeen Farlibaax, balse wuxuu tilmaamay in dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka sameeyeen meel deegaanka u jirat 10 KM.

Jamaal Cali Cismaan ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka qaar ee lagu baahiyey baraha bulshada, wuxuuna carabka ku dhuftay in deegaankaan oo 45 KM Beledweyne ay joogaan meleeshiyaadka Macawiisley.

Dhowaan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Farlibaax, inkastoo kooxda gacanta ku heysa ay ka hortagay weerarkaasi, kadib iska caabin xoogan oo ay sameeyeen.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Wareysiga.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this