Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo xasaasi ah oo lagu qabtay degmada Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulamadaan oo looga hadlayey xaaladda degmada Baardheere ee gobolka Gedo, gaar ahaan amniga ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu qabtay gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadaasi uu garwadeen ka ahaa taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Cabdixamiid Maxamed Dirir, iyadoona ay ka qeyb galeen saraakiisha Milatariga ee ka howlgala halkaasi iyo waxgaradka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goob joog ahaa saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka sida, gaar ahaan xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadaasi.

Taliye Dirir oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay la shaqeeyaan ciidanka amniga ee dowladda, si looga hortagao xiisadaha ka jira halkaasi.

Ugu dambeyn odayaasha dhaqanka oo dhankooda la hadlay warbaahinta ayaa ballan qaaday inay wada shaqeyn dhow la yeelan doonaan hay’adaha amniga dowladda.

Baardheere ayaa waxaa muddooyinkii dambe laga dareemayey dhaq dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this