Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska CXD oo ka tacsiyeeyey geeridii Gen. Cabdirisaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo ku hadlayey magaca taliska ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha u naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogg, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo saacadihii la soo dhaafay ku geeriyoodey gudaha dalka Canada.

Ugu horreyn afhayeenka ayaa tacsi Qaran ka diray geerida ku timid marxuumka oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanaa wadankaasi.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah uga tacsiyeeyey ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay, isagoona alle uga baryey inuu ka waraabiyo janadiisa Fardowso.

Geerida ku timid Ex Abaanduulihii hore ee Ciidamada xoogg dalka Soomaaliyeed, Janeraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa waxa sidoo kale ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin sar sare oo  ka tirsan dowladda federaalka, wuxuuna ka mid ahaa marxuumka saraakiisha sida weyn uga qeyb qaatay howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Cod-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this