Deeq A. Posted January 29, 2020 Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duuliska hawada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ku sugan Caabudwaaq ayaa sheegay in dowladda ay deg deg dib u dhis ugu sameyneyso garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Oomaar ayaa tilmaamay in ka xukuumadu ay gacan ka geysan doonto dhismaha garoonkaasi iyo tababarka shaqaalaha ka shaqeyn doona. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan degamadaasi inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka intaba. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Oomaar.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites