Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka iskaashiga ganacsiga Afrika iyo Aasiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkan ayaa ka furmay caasimada New Delhi  ee dalka Hindiya Shirkan ayaa  waxa soo qaban qaabiyay Asiean-African Chamber of Commerce and Industry.

Shirka oo sanadle ahaa ayaa si wadda jir ah uga qaybgalay  dalalka  Afrika iyo Aasiya  qaar ka mid ah oo ay  Soomaaliya ku jirto waxaana inta badan xoogga lagu saaray  dhaqdhaqaaqyada suuqyada ganacsiga warshadaha iyo wax soo saarka kala duwan ee wadamada ku bahoobay Ururkaan iyo guud ahaan dhaqdhaaqaaqyada ganacsi ee labada dhinac.

Sanadkaan ayaa waxaa shirka diirada lagu saaray saddax qodob oo ay kamid yihiin ,isku xirka xiriirka ganacsi ee dalalka Afrika iyo Aasiya.

Kala faa’iideysiga maalgashiga iyo qaabka loo xalinkaro caqabadah ganacsi ee ka jira Afrika iyo Aasiya iyo  abaalmarinno la guddoonsiinayay shaqsiyaadka  loo arkayo in ay wax kusoo kordhiyeen labadaan qaradadood iyo muwaadiniinta udhashay dalka Hindiya oo ka qaybqaatay isku soo dhawaashaha dalalka Afrika iyo Aasiya .

Safiirka safaarada Soomaaliya  Faadumo Abdullahi Mohamud ayaa hadal ka jeedisay shirka waxayna ugu horeen ka warbixisay guud ahaan xaaladda dalkeena Soomaaliya iyadoo dhanka kalana sheegtay  in xiriirka Soomaaliya  ay laleedahay wadamada Aasiya gaar ahaan dalka Hindiya u meel wanaagsan marayo , sidoo kale safiirka ayaa sheegtay  in Soomaaliya ay leedahay fursado badan oo maalgashi kuwaas oo loo baahanyahay in laga wadda faa’iideysto madaama hadda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid soo hagaagaya .

Shirka ayaa waxaa ka hadlay wadamadii Afrika, Malawi Uganda Nigeria iyo Soomaaliya  dhamaantoodana waxa ay isku raacen in wadamada Afrika ay uu bahanyihiin in ay ka faa’iideystaan kuwa Aasiya.  Dhanka kalan ay ka qayb qaatan sidii dhaqaallah khaarada loo horumarin lahaa haday ahaan lahayd  ganacsiga iyo isdhex galka bulshada ,dhanka Khaarada Aasiyana  oo ay ka caawiso sidii  ay Africa u helilaahayeen  suuqyo ganacsi oo  ay u iibgeeyan wax soo saarkooda.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka iskaashiga ganacsiga Afrika iyo Aasiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this