Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo Ahlu Sunna kala hadlay khilaafka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay Cabdisamad Macalin Maxamuud oo inta badan Ahlu Sunna uga wakiil ah dhinaca dowladda, marka ay noqoto in lala hadlo hoggaanka sare ee ururkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay waxyaabaha lagu baajin karo diidmada ka soo yeertay Ahlu Sunna ee ku aadan dhismaha loogu jiro Galmudug mid ah.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaaa inoo xaqiijiyey in inta uu socday kulanka khadka taleefanka ay ku wada hadleen hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax iyo sidoo kale ra’iisul wasaare khayre, iyaga oo isla garfeeyey sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa khliaafka ka taagan magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo marar badan dib ugu laabtay deegaanada Galmudug ayaa haatan wado dadaalladii ugu dambeeyey oo xal raadin ah.

Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta is jiid jiid siyaasadeed oo ka dhashay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee maamulkaasi

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this