Deeq A. Posted January 29, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee K/Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaal qaraar oo u dhexeeyey ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Buurdhuubo iyo Luuq ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ku safrayey wadada isku xirta degmooyinkaasi. Ciidamada la weeraray ayaa ka soo baxay dhanka degmada Luuq, iyagoona ku sii jeeday degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen sarkaal lagu magacaabo Bashiir Waarow oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka Jubbaland. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha gobolkaasi oo ku aadan weerarkaan iyo dagaalka xigay. Inta badan xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliyo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites