Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale caafimaad oo lagu dilay gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiinAl-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay gudaha u galeen MCH ku yaalla deegaanka Sabiid ee gobolka Sh/Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ragaasi ay toogasho ku dileen labo ruux oo ka howlgayey xaruntaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dilka loo geystay shaqaalahaasi.

Sabiid iyo Caanoole oo dhaca duleedka Afgooye ayaa ka mid ah deegaanadii u dambeeyey ee lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this