Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo ka furmay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa saaka daah-furay kulan tababar ah oo looga hadlayo dhiiri-gelinta Maal-gashiga kaas oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda IFC oo ka tirsan Baanka Adduunka.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Adis-Ababa, ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, waxaana ka wada qeyb-galaya dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyada oo diiradda lagu saarayo sida loo horumarinayo dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga.

Agaasimaha, ayaa safarkiisan shaqo waxa ku wehelinaayey Madax ka tirsan Wasaaradda, kuwaas oo halkaas u jooga siddii kor looggu qaadi lahaa dedaalka Wasaaradda ee ku aadan in dalka loo soo jiido Maal-gashadayaal Caalami ah iyo kuwo Gudeedba.

83346016_109896870565305_185305660470276 83776262_109896927231966_499560501464373 84332156_109897123898613_409866170974758 84832347_109897017231957_128588296755766

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this