Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Askari Dil U Geystay Wiil Dhalinyaro Ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno degmada Dharkeynley ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dowladda uu xalay dilay wiil dhalinyaro ahaa sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafada Kaawagodeey ee degmada Dharkeynley ka dib markii wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Munasar uu gadaal kaga yimid askariga oo ay saaxiibo ahaayeen islamarkaa uu isku duubay, sidaasna ay keentay in askarigu uu rasaas ku furo marxuumka geeriyooday.

Munasar ayaa ahaa arday wax ka barta magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa soo gaaray goobta iyaga oo gacanta ku dhigay askarigii dilka geystay.

Dilalka ay siyaabo kala duwan u geystaan askarta ka tirsan dowladda ayaa ku soo badanaya Muqdisho, iyada oo aysan jirin tallaabo looga hortagayo falalkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this