Sign in to follow this  
Deeq A.

Netanyahu oo Lagu Soo Oogay dacwado uu Xabsi ku geli karo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Avichai Mandelblit ayaa Talaadadii shalay si rasmi ah u furay dacwad oogidda ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Benjamin Netanyahu kadib markii uu Netanyahu ku dhawaaqay in uusan baarlamaanka ka dalban doonin in xasaanad laga siiyo dacwaddan oo gabi ahaanba la laalo maxkamadayntiisa.

Mr Netanyahu ayaa horay u sheegay in uu baarlamaanka Israaiil hor gayn doono dalab uu ku doonayo in lagaga leexiyo dacwaddan isaga oo tiigsanaya xasaanada xilkiisa hasayeeshee dadka sida dhaw u falanqeeya siyaasadda gudaha Israaiil ayaa sheegay in uu isku daygan ku guul darraysan kahaa maadaama uusan xisbigiisa aqlabiyad ku lahayn baarlamaanka Knesset-ka ee Israaiil.

Netanyahu oo ah raysul wasaarihii xilkan mudada u dheer hayay ayaa bishii Nofembar ee sanadkii tagay ee 2019 lagu soo rogay dacwado ah musuq, wax is daba marin iyo ku takri fal awoodeed.

Bisha Maarso ee soo socota ayaa la filayaa in Israa’iil ay ka qabsoonto doorashadii sadexaad ee mudo sanad gudihiis ah loogu tartamayo xilkan, dacwadahan Netanyahu lagu soo oogayna waxay wiiqayaan fursadaha uu u haysto in uu dib ugu guulaysto xilkan.

Netanyahu ayaa waajihi kara xabsi ilaa 10 sano ah hadii ay ku cadaadaan eedaymahan loo soo jeediyay.

PUNTLAND POST

The post Netanyahu oo Lagu Soo Oogay dacwado uu Xabsi ku geli karo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this