Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharixiin soo bandhigay Lix qodob oo doorasho midaysan looga qaban karo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar musharrax oo diiddan hannaanka ay haatan ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa dalbaday in mudda kooban dib loo dhigo hawlaha doorashada, si looga heshiisyo khilaafka ka dhex aloosan Saamileeyda Siyaasadeed ee Galmudug.

Afarta musharrax oo kala ah; Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere), Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Weheliye iyo Kamaal Daahir Guutaale, ayaa baaqaasi ka soo jeediyay shir ay xalay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ka soo baxay shirkooda, ayay ku dalbadeen in mudda laba tododbaad ah la hakiyo, dhammaan hawlaha doorashada ee ka kala socda Gaalkacyo iyo Dhuusamareen, si loo dhiso maamul midaysan oo leh sharciyad dhammaystiran.

Sidoo kale, waxay ku baaqeen in dhammaan saamileeyda Siyaasadeed ee Galmudug, ay  si deg deg ah isu’gu yimaadaan gogol wada-hadal oo loo dhanyahay, si loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee Galmudug iyo dowladda Federaalka.

Musharixiinta sidoo kale dalbaday, in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ka maran musuq maasuq, eex iyo is-daba’marin, taasi oo leh kormeerayaal maxalliya iyo kuwa caalamiya oo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, Waxay ka digeen in ciidamada Amniga Galmudug aysan ku milmin arrimaha siyaasadda iyo doorashada, kuna shaqeeyaan mabaadii’da ciidanimo ee  ku cad Dastuurka dalka.

Musharixiinta.jpg?w=1000&ssl=1 2-musharixii.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Musharixiin soo bandhigay Lix qodob oo doorasho midaysan looga qaban karo Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this