Sign in to follow this  
Deeq A.

Beyle “Guul weyn ayeynu ka gaarnay deyn cafinta Somalia”

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay barnaamijka deyn cafinta, isagoona sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sida dalka loogu yeeshay deymaha lagu leeyahay.

Beyle ayaa sheegay in haatan uu meel wanaagsan marayo qorshaha deyn cafinta, islamarkaana laga gaaray guul aad u weyn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu soo dhoweeyey warbixintii IMF oo shaacisay in Soomaaliya ay buuxisay shuruudaha wejiga afaraad ee deyn cafinta.

Dhinaca kale wuxuu wasiir Beyle beeniyey warbixin dhowaan ka soo baxday mid ka mid ah hay’adaha caalamiga ah oo sheegtay in Soomaaliya ay weli safka hore kaga jirto dalalka uu la dagay musuqa, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixintaasi.

Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyey horumaro ballaaran ka sameyneysay dhanka kobaca dhaqaalaha, taas oo lagu amaanay dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/warbixin.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this