Deeq A. Posted January 28, 2020 Wararka naga soo gaaraya duleedka Caasimadda ayaa sheegaya in ciidamo hor leh dowladda federaalka ay geysay wadada Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Ciidamadaan ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo cusub ka sameysteen agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaasi loogu talagalay amniga wadadaan oo ay dhismo ka wado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah shaqaalaha iyo injineerada dhisaya jidka dheer ee isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. View the full article Share this post Link to post Share on other sites