Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahlu Sunna oo ku dhawaaqday xildhibaano cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta Ahlu Sunna Waljamaaca ay xildhibaano cusub uga dhawaaqday xarunta Inji ee magaaladaasi.

Xildhibaanada la shaaciyey ayaa gaaraya illaa 69 Mudane oo la sheegay inay ka shaqeyn doonaan masiirka shacabka Galmudug.

Waa xildhibaanadii saddexaad ee looga dhawaaqayo deegaanada Galmudug, kuwaas oo iska soo horjeeda.

Galmudug ayaa u qeybsan saddex dhinac oo kala ah garabka ay dowladda taageersan tahay ee ku sugan Dhuusamareeb, Xaaf oo Gaalkacyo u wareegay iyo Ahlu Sunna.

Xaalada ayaa marba marka ka dambeysa ka sii dareyso lamana oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrimahaan ayaa uga sii daraya dhismaha loogu jiro maamul mid ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this