Deeq A. Posted January 28, 2020 Wasiirkii wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa lagu soo warramayaa inuu saaka ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo ku yaalla M/Muqdisho. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitterka ayaa sheegtay inuu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa eedeysanaha. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay ku raad joogaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo shacabka ka dalbatay inay soo wargaliyaan, haddii ay meel ku arkaan. Janan ayaa mudo u xirnaa dowladda, kadib markii bishii Agoosto ee sanadkii hore laga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo lagu soo eedeeyey dambiyo kala duwan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites