Sign in to follow this  
Deeq A.

Janan oo Jeelka Ka Baxsaday, Jaantana Rogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Cabdirashiid Janan oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland ayey booliiska Soomaaliyeed sheegeen inuu ka baxsaday xabsiga.

Taliye ku-xigeenka booliiska Soomaaliya Zakia Xuseen ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay sida uu u baxsaday maxbuuska iyaga oo tiri  “Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”.

madax.png

August 31, 2019 ayey aheyd markii Cabdirashi Janan lagu xiray garoonka Aden Cadde, intaasi wixii ka dambeeyey waxaa hayey hey’adda booliiska Soomaaliyeed, ilaa uu maanta baxsado.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this