Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Soomaaliya oo sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Janan

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye ku xigeenka Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya S/Guuto. Sakiya Xuseen Axmed, ayaa maanta Shaacisay in uu xabsiga ka baxday, Wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo mudda 5 bilood ah magalada Muqdisho ugu  xirnaa dowladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay, ayay ku sheegtay in Wasiir Janan uu saaka ka baxsaday halkii uu ku xirnaa, islamarkaana ay ku raad-joogan hay’adaha, si gacanta mar kale loogu soo dhigo.

Gen Sakiya, ayaa shacabka magaalada Muqdisho ka dalbatay, in ay laamaha Amniga soo wargeliyaan haddii ay xog ka helaan Wasiirka xabsiga ka baxsaday ee Cabdirashiid Janan oo sida ay xustay loo haysto denbiyo kala duwan.

Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan. ” ayay tiri Gen Sakiya

31-dii August 2019, Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa Wasiir Janan ka qabtayGaroonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia.

6-dii October 2019, ayaa sidoo kale la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho, kadib markii lagu soo eedeeyay in uu galay denbiyo kala duwan, balse maxkamadda ayaa amartay in la soo dhammaystiro caddaymaha loo hayo kiiskiisa.

Wixii intaas ka dambaysay, Cabdirashiid janan waxa uu ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka hor inta aan maanta la shaacin, uu xabsigaasi ka baxsaday.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Janan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this