Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Da’yarta Oo Bilaaway Tababarka 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaada dhallinyarada Xiriirka Kubbadda cagta dalka ayaa dib u bilaaway qorshaha horomarinta iyo diyaar garowka  tartamada 2020 waxaana maal mama Khamiista iyo Jimcaha ay dhallinyarada Xulka ay tababaro kala gedisan ku qaataan xaerada farsamada Xiriirka Kubbadda Cagta ee garoonka Jamaacadaha.

Sequence-58.00_00_05_23.Still004-1024x76

Guddoomiyaha dhallinyarada Xiriirka Kubabdda Cagta Cabdullahi Xirse Maxamuud ayaa Goobjoog u sheegay in qorshooda yahay in sanadkan ayaa gaaraan meel aad u wanaagsan horomarna u ah wadanka.

Sequence-58.00_00_05_23.Still003-1024x76

Macallimiinta ku mashquulsan tababarada dhallinyaradan ayaa Goobjoog in hadafkooda ugu weyn uu sanadkan yahay in Soomaaliya u soo hooyaan guulo waaweyn ee dhinaca ka qeyb galka tartamada sanada 2020.

Sequence-59.00_00_00_00.Still001-1024x76

“Waxaan lee nahay hami wanaagsan oo ku aadan in dadkeena iyo dalkeena aan u keeno guulo lagu farxo,rajo u noqan kara dhallinyarada kale ee hiigsanaysa heerka aan iminka joogno” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay kabatanka Xulka Da’yarta Soomaaliya Anas Axmed Maxamuud.

Sequence-59.00_00_02_13.Still002-1024x76

Dhallinyarada 15 Jirada oo iminka u gudbay heerka 17 jirada ayaa xirfad wanaagsan kusoo bandhigay magaalada Asmara ee wadanka Eritrea waxayna noqdeen dhallinyaradii ugu xirfada ugu wanaagsaneyd ee kasoo muuqday tartankii Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Africa 2019.68242493_2374530285965468_71115155377120

Halkan Ka Daawo Warbixin Tababarka Xulka Dhallinyarada Soomaaliya

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this