Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya duqeyn ka dhacday J/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo saacadihii ugu dambeeyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka sameeyeen gobolka Jubada Dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa looga hadlay weerarkaasi dhanka cirka ah oo lala beegsaday dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab,

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Africom ayaa xaqiijisay in weerarkaasi lagu dilay illaa hal dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay inay wado qiimeyn ku aadan, haddii uu jiro khasaare soo gaaray dadka rayidka ah.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab ayaa weeraro xagga cirka ah ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this