Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dab xoogan oo ka kacay xarunta Bangiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay xarunta Bangiga Dhexe oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in Dabka oo ahaa mid xoogan uu ka dhashay koronto, islamarkaana markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii uu gurmad deg deg ah sameeyey maamulka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho oo goobta tegay ayaa sheegay in wax khasaare ah uusan geysan dabka, islamarkaana laga hortagay inuu ku faafo xafiisyada Bangiga Dhexe.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey shaqaalaha gurmadka ee dab damiska, sida deg dega ah ee ay uga jwaabeen, una damiyeen dabkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1580186732523 dab-damis.-630x420 dab-damis2-630x420 dab-damis3-630x420 dab-damis4-630x420

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this