Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Khasaaraha Dab Ka Kacay Magaalada Burco

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Burco ee gobalka Togdheer ayaa sheegaya in habeenimadii xalay uu ka kacay dab Khasaaro kala duwan geystay oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dabka ayaa ka kacay guri ku yaala xaafad lagu magacaabo Balaasa ee magaalada Burco dabka ayaana saameeyey gurigii uu ka kacay, waxaana inta la xaqiijeyey ku geeriiyooday labo  caruura.

Sidoo kale waxaa dhawac uu ka soo gaaray Gabar yar oo shan sano jir aheyd oo la sheegay in ay ka tirsaneyd qoyska  dabka uu saameeyey ciidamada dab damiska oo halkaasi gaaray ayaa ku guuleysay daminta dabka

Dhanka kale waxaan la ogeyn sababta ka dambeysay in uu dab ka kaco gurigaan  ku yaalla magaalada Burco, waxaana jirin wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo midka gobalka.

Dababka ka kaca xaafadaha ayaa inta badan waxaa uu ka dhashaa korontada oo qalldanta ama gaaska dadka ay cuntada ku karsadaan waxaana mar waliba ka dhasha khasaare soo gaara dadka shacabka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this