Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Dab xoogan oo ka kacay xarunta Bankiga Dhexe+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dab xalay ka kacay xarunta Bangiga Dhexe ee Sil-silaweyne oo ku taalla degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu saameeyey xafiisyo kooban oo ku yaalla xarunta Bangiga Dhexe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin goobta tegay.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, kadib markii uu gurmad deg deg ah sameeyey maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Duqa Muqdisho oo goob-joog ka ahaa daminta dabkaasi ayaa la hadlay warbaahinta, isagoona ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen.

Cumar Filish ayaa tilmaamay in dabka uusan geysan khasaare sidaa u weyn, islamarkaana si deg deg ah looga hortagay inuu ku sii faafo xafiisyada kale ee muhiimka ah, isagoona shaqaalaha gurmadka deg dega ah ee dab damiska u mahadceliyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada inay guryahooda dhigtaan haamaha oksijiinta leh, oo looga hortagi karo inuu dabku faafo.

FB_IMG_1580186732523.jpg dab-damis.-630x420-1.jpg dab-damis2-630x420-1.jpg dab-damis3-630x420-1.jpg dab-damis4-630x420-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this