Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.

Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey sare u qaaday duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

AFRICOM-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this