Sign in to follow this  
Deeq A.

Is-beddel kale oo ka yimid doorashada Galmudug iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa caawa mar kale waqti kordhin cusub u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta.

Waa markii seddaxaad ee guddigan uu waqti kordhin u sameeyay is diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga ayaa mar kale caawa shaaciyay in muddo 24-saac ah ay ku dareen waqtiga is diiwaan gelinta musharaxiin, isagoo carabka ku adkeeyey in waqti kordhintan ay noqon doonto tii ugu dambeysay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada madaxweynaha Galmudug ay ku dhici doonto waqtigii loo asteeyey, haatana uu socdo qorshihii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii doorashada waqtigeeda loogu qaban lahaa.

Sagaal musharax ayaa illaa hadda maray nidaamka is diiwaan gelinta guddiga, afar ka mid ah ayaa u sharaxan madaxweyne, halka shanta kalena ay u sharaxanyihiin madaxweyne ku xigeen.

Illaa hadda waxaan is diiwaan gelin inta badan musharaxiintii ugu tunka weyneed doorashada Galmudug, kuwaas oo ku qanci la’ hanaanka loo marayo doorashada, iyagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in afduub ay ku heyso doorashada.

Afarta musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullahi Faarax Weheliye iyo Cabdi Dheere ayaa si cad u sheegay in aysan is diiwaan geli doonin inta ay doorashada Galmudug u afduubantahay dowladda dhexe.

Dadka sida dhow ula socda geedi socodka doorashada Galmudug, ayaa xubno ku jira afarta mushaarax ee illaa hadda is diiwaan geliyey u arka, kuwa ay dowladdu gadaal ka riixeyso, isla markaana musharax ay wadato loogu camirayo doorashada, hadii ay diidaan musharaxiinta kale iyo hadii ay tartamaanba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this