Deeq A. Posted January 27, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose Israsaaseynta oo muddo socotay ayaa waxa ay u dhexeysay ciidamada Booliska ee ka howlgala degmadaasi iyo kuwa kale oo Milatari ah. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka Milatariga ay weerar ku qaadeen saldhigga degmadaasi oo ay uga xirnaayeen laba askari oo lagu eedeeyey falal burcadnimo ah. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintay ugu yaraan hal askari, iyadoona uu ku dhaawacmay mid kale, kuwaas oo ka tiranaa Milatariga weerarka qaaday. Taliyaha Booliska degmada Afgooye Dhamme C/qaadir Mursal Nuunow oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warbixin-Cadaani.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites