Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shaakir oo shaaca ka qaaday cidda iska hor-keentay Xaaf iyo Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Shaakir oo ah madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku eedeeyey inay ka dambeysay khilaafka soo kala dhex galay Ahlu Sunna iyo madaxweyne Xaaf.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in ujeedada ay Dowladda ka laheyd arrintaas ay tahay inay Galmudug ka dhisto maamul ay kaligeed sameysato.

Sheekh Shaakir ayaa Dowladda Dhexe ku eedeeyey inay dooneyso inay Galmudug ka dhigto xaafad ka tirsan Muqdisho sida uu hadalka u dhigay mar uu wareysi siinayey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

“Dowladda waxay rabtaa annaga oo Ahlu Sunna ah inay nagala cararto Galmudug oo ay ka dhigto Xaafad ka mid ah Muqdisho, Xaaf iyo Anaga in aan is khilaafno dowladda ayaa ka shaqeysay”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Dhanka kale wuxuu sheegay in Xildhibaanada lasoo xulay ay Dowladda Dhexe u sheegtay inaysan wax xiriir ah la sameysan karin Ahlu Sunna, isagoo tilmaamay in cidda aysan Ahlu Sunna xiriir la heyn ay kaliya tahay Al-Shabaab.

“Dadka aan xiriirka nala laheyn waa Shabaab, ka yeeli meyno mana laga aqbalayo cid xiriir la leh Shabaab ama Shabaab lagu tuhmayo inay deegaankan madax ka noqoto”ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay inay Dowladda Soomaaliya wadato musharax iyada u gaar ah isla markaasna ay wax kasta oo sharciga ka baxsan u sameeneyso sidii uu u guuleysan lahaa musharaxdeeda.

Hadalka Sheekh Shaakir ayaa kusoo aadayo xilli uu meeshii ugu sareeyey gaaray khilaafka ka dhaxeeyo Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe, waxaana laga yaabaa inay Dhuusamareeb kasoo baxaan laba madaxweyne oo is garab socdo haddii aysan wax iska badalin sida hadda xaaladda tahay iyadoo ay sii jirto inuu Madaxweyne Xaaf Gaalkacyo ka wado dhismaha Galmudug kale oo ka madax banaan Dowladda iyo Ahlu Sunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this