Deeq A. Posted January 27, 2020 Xarakada Al-Shabaab ayaa war ka soo saartay dilka Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabelle oo saacadihii la soo dhaafay lagu toogtay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilkaan ayaa tilmaamtay inay fuliyeen Xoogag hubeysan, islamarkaana ay goobta isaga dhaqaaqeen. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka uu wada shaqeyn la lahaa Mareykanka, gaar ahaan laatiisa CIA-da, sida ay hadalka u dhigtay Al-Shabaab. Toogashada loo geystay Nabadoon C/risaaq Shabeel ayaa ka dhacday xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan falkaasi. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites