Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea,waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay dhiggiisa dalkaasi, Issias Afwerki

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Asmara inta uu ku sugan yahay kulamo dhinacyo badan quseeya la yeelan doonaa madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed Cali.

Saacado ka hor wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee gaaray magaalada Asmara, ayaa waxaa magaaladaasi tegay wafdi kale oo uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo ka soo kicitimay dhanka magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa goor dhow la filayaa inuu furmo shir saddex geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiy iyo Eritrea.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadli doono dhammeystirka iskaashiga gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

Safarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee dalka Eritera ayaa noqonaya mid kii labaad oo uu muddo bil gudaheed ah ku tegayo wadankaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

2-60 3-46 83298355_1051924838495477_7341735547238350848_n Farmaajo

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this