Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadar oo shirweyne uga qeyb galaya dalka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahdi Maxamed Guuleed Qadar Ray’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Jabuuti halkaasi oo ka furmaya Shirweynaha wax barashada Africa.

Dowlada Soomaaliya ayaa casumaad rasmi ah ka heshay madaxda Jabuuti si ay uga qeyb gasho Shirweynaha Waxbashada Africa oo lagu wadao in uu ka furmo dalkaasi Jabuuti.

Sidoo kale Ray’iisal Wasaare ku xigeenka Mudane Mahdi ayaa waxa socdaalkiisa ku wehliya Cabdiraxmaan Goodax Barre Wasiirka Wasaarada Waxbashada Xukuumada Soomaaliya.

Shirweynaha Waxbashada Africa ayaa waxa ka soo qeyb galay Madax sar-sare oo ka kala yimid Dowladaha Africa si ay qeyb uga noqdaan Sharikaasi oo lagu lafa guri doono heerka waxbashada Africa iyo sidii Gobolka  uu isga kaashan lahaa sara u qaadista Waxbarshada Qaarada Africa.

Dhanka kale Mudane Qadar ayaa la filayaa inta uu ku suganyahay Dalka Jabuuti ee ka furmaya Madaxsha Waxbarasha Africa in uu kulamo gaar-gaar ah la yeesho qaar ka mid ah Madaxda wadamada Africaka ee kulankaasi qeybta ah.

Waxaana sidoo kale uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiinta Dalka Jabuuti si ay uga wada hadlaan Arimo dhowr ah sida Xiirka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sara u qaadiska xeeraka Waxbarshada Soomaaliya in ay ku garb istaagto taageerida iyo tayeenya Aqoonta.

Doolada Jabuuti ayaa inta badan Dowlada Soomaaliya waxa ay ka taageertaa Dhinacyada, waxbarashada,Caafimaadka iyo Amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this