Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: In ka badan 10 caruur ah oo shuban u geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Goolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo u warramay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ka warbixiyey shuban biyood saacadihii la soo dhaafay ka dilaacay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Sheekh Xuseen ayaa wareysigaan ku sheegay inay haatan la tacaalayaan sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi oo fara ba’an ku haya guud ahaan gobolka.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in illaa iyo hadda ay u dhinteen in ka badan 10 caruur ah, haatana ay la il daran yihiin 60 kale.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay gurmad deg deg ah la soo gaarto dadkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

shuban3 Shuban shuban2

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this