Deeq A. Posted January 27, 2020 Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka Goolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo u warramay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ka warbixiyey shuban biyood saacadihii la soo dhaafay ka dilaacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Sheekh Xuseen ayaa wareysigaan ku sheegay inay haatan la tacaalayaan sidii looga hortagi lahaa cudurkaasi oo fara ba’an ku haya guud ahaan gobolka. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in illaa iyo hadda ay u dhinteen in ka badan 10 caruur ah, haatana ay la il daran yihiin 60 kale. Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay gurmad deg deg ah la soo gaarto dadkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites