Deeq A. Posted January 27, 2020 Guddiga doorashada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulkaasi. Illaa shan qodob oo xasaasi ah ayuu guddigu soo bandhigay, kuwaas oo ku aadan doorashada iyo sida loo wajahayo. Halkaan hoose ka akhriso: 1 in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug. 2 Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2. 3: Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug. 4: Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug. A: codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi. B :Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel 3/2. Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan. Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1. 5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites