Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalyahanka Daacish oo soo buuxdhaafiyey Degaano ka mida Puntland+Dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan

Recommended Posts

Deeq A.   
DAACISH-QANDALA.jpg?w=1000&ssl=1Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda Qandala

Wararka ka imaanaya degaannada ku teedsan buuraleyda degmada Qandala ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay dhaqdhaqaaqyo cusub ka wadaan malayshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda degmadaasi Qandala.

Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa ku warramaya in malayshiyaad ka tirsan Daacish aad u hubaysan shalay lagu arkay tuulooyin hoos yimaada degmada Qandala , kuwaasi oo ka soo degtay dhulka buuraleyda ah.

Dhaqdhaqaaqa ay Daacish bilowday ayaa ku soo beegmaya, xilli wefdi ka tirsan dowladda Puntland uu ku suganyahay degmada Qandala, islamarkaana ay halkaasi ka daah-fureen mashruuc Laydhka Cadceeda ku shaqeeya oo  ay hirgelisay hay’adda TIS+/USAID.

Kooxda Daacish ayaa horay mar u qabsatay degmada Qandala 26-kii October 2016, balse ciidamada Puntland ayaa Daacish dib ugala wareegay degmadaasi Qandala 7-dii December 2016.

Kooxda ayaa wixii intaasi ka dambeeyay si dhuumaalaysi ah uga hawl gelayay buuraleyda Qandala, sidoo kalena waxay dilal qorshaysan ka fuliyaan Magaalada Boosaaso .

Dilkii ugu dambeeyay ee Daacish ka fulisay magaalada Boosaaso 21-kii bishan January 2020, waxay ku dileen guddoomiyihii hore ee degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this