Sign in to follow this  
Deeq A.

Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Barack Obama oo Tacsi Tiiranyo leh u diraya Nin Caan ah oo geeriyoodaykoby.jpeg?ssl=1

Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalkaasi Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in ciyaaryahan ku caanbaxay Basketball-ka oo lagu magacaabo Kobe Bryant uu halkaasi ugu geeriyooday shir diyaaradeed oo nooca qumaatiga u kaca, shalay gelinkii dambe.

Geerida Kobe ayaa waxaa xaqiijiyay daladda ciyaaraha Basketball-ka Mareykanka ee NBA.

Wararku waxa ay sheegayaan in shilkaasi ay ciyaaryahanka kula geeriyootay gabashiisa curadda-xigeenka ah ee Gianna oo 13 jir aheyd.

Kobe oo 41 jirsaday ayaa taariikh mug leh ka galay ciyaaraha basketball-ka, waxaana uu ka mid noqday ciyaaryahannada ugu mucjisada badan ee soo mara NBA-da.

Booliska magaalada Los Angeles ayaa sheegay in shilkaasi ay ku geeriyoodeen 9 ruux oo uu ku jiro Kobe Bryant iyo gabar uu dhalay.

Kobe ayaa ifka kaga tagay xaas iyo saddex gabdhood oo uu dhalay, waxaana tirada guud ee carruur oo uu dhalay ahaayeen 4 gabdhood oo ay midi la dhimatay.

koby1.jpeg?fit=532%2C460&ssl=1

Dadka wax-galka ah ee ciyaaraha ku jira iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Kobey Bryant oo ay ku sheegeen mid naxdin badan.

obama.jpg

Kobe was a legend on the court and just getting started in what would have been just as meaningful a second act. To lose Gianna is even more heartbreaking to us as parents. Michelle and I send love and prayers to Vanessa and the entire Bryant family on an unthinkable day.

— Barack Obama (@BarackObama) January 26, 2020

Ciyaaryahanka geeriyooday ayaa dhawaan ka fariistay ciyaaraha Basket-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this