Sign in to follow this  
Deeq A.

Is mari waa xoogan oo weli ka taagan doorashada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in weli is jiid jiid siyaasadeed uu ka jiro magaaladaasi, kaas oo ku aadan arrimaha doorashada Galmudug.

Musharraxiinta u taagan qabashada xilkaasi ayaan weli intooda badan is diiwaan gelinin iyada oo ay maanta ku egtahay muddada loo qabtay.

Illaa iyo hadda waxaa shahaadada is-diiwaan gelinta qaatay musharraxiin kooban, balse kuma jiraan afarta musharrax ee ugu sameeynta badan doorashada ee kala ah: Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Gutaalle, Cabdi Dheere iyo Cabdullaahi Faarax Wehliye.

Afartaan musharrax ayaa si weyn uga biyo diidan qaabka ay wax ku socdaan, waxaana ay xalay kulamo ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyaga oo eedeymo culus u jeediyey madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo iyana kulamo ka wada magaaladaasi ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Galmudug.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore beeniyey in dowladda dhexe ay u afduuban tahay doorashada Madaxweynaha Galmudug, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in dhinacyada is haya ay muujiyaan tanaasul, si loo dhiso maamul mid ah oo loo dhan yahay.

Dhankiisa guddoomiyaha guddiga doorashada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, Xildhibaan Xuseen Maxamed Tahliil oo la hadlay BBC ayaa ka warbixiyey sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaan Tahliil ayaa sheegay inay ka gudi ahaan qabin wax walaac ah, islamarkaana ay si wanaagsan ku socoto howsha loo igmaday ee doorashada.

Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse Galmudug ayaa muddo dheer ku jirta khilaaf u dhexeeya hoggaanka maamulkaasi iyo dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this