Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JF oo saaka u safray dalka Ereteriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Saaka ka baxaya magaalada Muqdsiho, isaga oo kusii jeeda Magaalada Asmara ee dalka Eritariya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir madaxdeedka iskaashiga dalalka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Asmara, isaga oo ku sheegay qoraal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka in wada hadalo ku yeelan doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea.

Kulankan oo ay ka qayb-gelayaan Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku saleysan dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this