Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland & Puntland Oo Isku Haysta Taariikhdii Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Puntland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Garoowe ayaa isagoo daba socda hadal uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ku sheegay in Taariikhda Daraawiishta ay Somaliland leedahay, wuxuu sheegay in sheegashada Wasiirka Warfaafinta Somaliland aanay waxba ka jirin “Nin baa halkaa ka yidhi oo sheegtay Taariikhda Sayidka, Ninkaasi Afkaan ku ballaadhinayaaye wuxuu yidhi Taariikhda Sayid (Waxa leh) Hargeysa..” ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, waxaanu intaa ku daray “Ninkaa waxaanu leenahay ‘Aa la tahay’ Iska hadlow ina igarre..”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore ayaa dhawaan sheegay in Somaliland leedahay Taariikhda Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdalle Xasan.

Halgankii Daraawiishta ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu xusay ee ku qoran Dastuurka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this