Deeq A. Posted January 27, 2020 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 15 maalin gudaheed waxaa uu markii 2-aad safar ku tagayaa dalka Eritrea. Arrintan ayaa la dambeysay kadib markii uu shir isugu wacay ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, shirkan oo saddex geesood ah waa madaxweeyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya Isaias Afwerki, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Shirkan lama sheegin wax ajende ah sida la mid ah midkii ay 10-kii bishan ay Asmara ku yeesheen Isaias Afwerki iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Labada safar ee Asmara waxaa u dhaxeysay safar kale oo uu madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Cummaan halkaasi uu uga qeyb galay tacsida Suldaan Qaabuus. Wararka safarkan, kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites