Deeq A. Posted January 27, 2020 Dableey hubaysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon caan ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdirisaaq Yuusuf Siicow (Shabeel). Kooxda oo bastoolado ku hubaysnaa ayaa xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ku weeraray Nabaddoonka xilli uu salaadda Cishe ka soo baxay sida laga soo xigtay laamaha Amniga Muqdisho. Dableeyda weerarka gaystay gaari nooca raaxada ah watay ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi markii dambe hawlgallo ka sameeyay ciidamada Amniga Muqdisho inkastoo aan weli gacanta lagu soo dhigin kooxdii dilka geystay. Ilaa iyo hadda lama soo werin cid sheegatay dilka nabadoonkaas balse malayshiyaadka Al-shabaab aya looga bartay in ay Muqdisho ka gaystaan dilalka noocaan oo kale ah. PUNTLAND POST The post Nabaddoon caana oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites