Deeq A. Posted January 27, 2020 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya, halkaas oo uu qayb-gelayo kulan Madaxeed ku saabsan Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay, in Kulankan ay ka qayb-gelayaan madaxweynaha dalka Ereteriya Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, uuna ku saleysanyahay dhammeystirka hannaanka iskaashiga dalalka Gobolka iyo sidii loo xaqiijin lahaa horumarka iyo xasilloonida dowladaha dan-wadaagta ah ee Geeska Afrika. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay, in mudada ay kulamadani socdaan Madaxdu ay qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka. Wefdiga madaxweyne Farmaajo ayaa sida qoraalka lagu sheegay la wadaagaya dhiggooda dalalka Ereteriya iyo Itoobiya sida shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay uga go’an tahay adkeynta dowladnimadooda iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii la soo dhaafay, taasi oo xoojinaysa in ay door muhiim ah ka qaataan geeddi-socodka horumarineed ee la hiigsanayo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Asmara appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites